maxaa loo qasayaa? tixdaan gaaban waxaan ugu tala galay in aan ugu baroordiiiqo ardadii, macalimiintii ,daqaatiirtii iyo wali aqooyahanadi hotel shamow la xasuuqay 3dii bishaan aan ku jirno. wali dhigan jiray jamcada banaadi gaar ahaan computer science batch4
qorigaygu waa qalin qasnadaydu waa buuk qabiilkaygu waa qaran qiyaaniyo isdabo marin masuqmaasuq qiilkiis qarankaygu ma ogola ninka qori qaatooy ninka qalinka qaatay maxaa loo qasaayaa? qalinjabiye yaan ahay maantoo qamiisana qasadkaan lahaa oon qarniyaal sugayaan saakay qaado leeyahay ninka qori qaatooy ninka qalinka qaatay maxaa loo qasaayaa? qaraxbay la sugayeen qiiqbay ka keeneen qamiiskii cadaabay dhiig qalab kusiiyeen aqoonyahano qaaliya dhaqaatiir qaliiniyo maba dhaafin qarankii qasaaraha dhamaantiis quus baan ka joognaa ninka qori qaatooy ninka qalinka qaatay maxaa loo qasaayaa? diinteeni waa qayim ma ogola qasaaraha maatidoo la qalo iyo qabuurtoo la faagtiyo qaylo iyo takfiirayn ma ogala qaraabow ninka qori qaatooy ninka qalinka qaatay maxaa loo qasaayaa? qaaliyow ilaahow qaadiru raxmaanow qaran baan baryaynaa qeyr baan sugaynaa salaadiyo quraankaan qish la'aan sugaynaa qaadrow ilaahow qasaaraha dhamaantiis kuwa nagu qasahayana qaaliyow ha siidayn qaadirow ha siidayn by : xuseen cabdi maxamad (qalbi)
|
hooyo macaan hooyow macaaney howgii aduunkay hadal lama haleeleen hadaqiisa daayoo haba sheegin qorisoo halbowlayaasha dhiigiyo hubaashii waxaa tahay hantidii aduunkee hooyow macaaney Hugaamiye istaagoo hubintaa ku caanoo hishiisyada hagaajiya haboon caadilnimo hooyow macaaney nin walboo hagaajiya adaa siiyay haaneed haruub caano kugu shubay Haliyay la faanshoo cadawyada horjoogoo hakad aan aqoonoo hawdka iyo banaanada hal mid ay yihiinoo hero ku caanoo hooyow macaanay nin walboo hagaajiya adaa siiyay haaneed haruub caano kugu shubay Aqooyahan aboonoo hagar aan aqoonoo hagaajiya xisaabaha iyo hawkar wacanoo maraakiibta hawliya pilot haboonoo hawadaas ku duulaba hooyow macaanay nin walboo hagaajiya adaa siiyay haaneed haruub caano kugu shubay Hurdo gana' ma siisaa adoo aan hurteen hurdin ma cuntaa hurguriyoo adoo aan horteed cunin horta hore aduunyada horey uma marteenoo hormarada ma gaarteen hooyaw la'aantaa Habaar kuuma quurtoo halgaad darana daayoo hadal aan haboonayn haka sugun afkeedoo hooyow macaanay Hanti aan ku siiyiyo maan hayo danaaniir waxaan kugu habayaa hanti kaaga dhigayaa ducadaas haboonoo aan horjoog la haynbaa (insha alaah) hibo kaaga dhigayaa Cudarada halistiyo caawiyo kulaylkeed alahayaw hareer mari waa hawgii dunidee waa halbowlihii dhiigee alahayaw hareer mari
HOOYADA WAA ASAASKA QOYSKASTA AMA QARAN KASTA HADII AY HOOYADA KA FADHIISATO QAYSKAAS AMA QARANKAAS QATAR AYAY KU JIRAAN
SIDO KAE HOOYADU WAA TABABARAHA QOFKASTA OO HANAQAADA AMA HEER GAARA SIDAAS DARTEED (HOOYADU LAMA HURAAN SIDA ) SIDA UU HOREY U YIRI ABWAAN CARAYS CIISE (ALE NAXARIISTIISA HA SIIYEE)
|
MAGACAYGU WAA XAMAR waa sheeko , gocasho ,garwaaqsi iyo isku tanaasul sameeyaya qaab suuganeed una dhaxeeya :mogadishu ,hugaamiye kooxeed , oday dhaqameed iyo inan mooryaan mogadishu ayaan bilowday kuna bilowday sida aya tahay
typing by : haruun axmad cabdulle |
||